Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shir ku Saabsan Qaxootiga Syria oo ka Dhacaya Berlin


Wasiirrada arrimaha dibedda iyo wakiilo ka socda ilaa 40 dal ayaa maanta magaalada Berlin kaga xaajoonaya sida loo caawin karo waddamada deriska la ah Syria oo la tacaalaya qaxooti farabadan oo ka soo cararaya dagaallada waddankooda ka socda.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jordan Nasser Judeh ayaa ka digay wax uu ugu yeeray "daal iyo quus ku iman kara waddamada qaxootiga martigelinaya " iyagoo markaasi isku dayaya inay daboolaan baahiyada dad aad u tiro badan.

Qaramada Midoobay ayaa diiwaangelisey in ka badan saddex milyan oo qaxooti Syrian ah. Turkiga iyo Lubnaan ayaa midkiiba waxaa waddankiisa ku sugan in ka badan hal milyan oo qaxooti ah, halka waddamada Jordan, Iraq iyo Masar ay iyaguna martigeliyeen boqolaal kun oo qaxooti ah.

Dagaalka Syria oo soo bilowdey bishii March sannadkii 2011, ayaa waxaa uu barakiciyey 6.5 milyan oo qof.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in lagu yabooho dhowr billion oo dollar oo loo adeegsan doono gargaarka aadminimo ee qaxootiga loo fidinayo, hase yeeshee waxay sheegeysaa inay heshey uun ku dhowaad kala bar oo keliya lacagtii ay dalbatey.

XS
SM
MD
LG