Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kulan Dhexmarey W.Kuuriya iyo Qaramada Midoobay


Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dowladda Waqooyiga Kuuriya ay soo jeedisey inay aqbaleyso in baarre dhanka xuquuqda aadanaha ah oo Qaramada Midoobay ka socda uu booqdo waddankeeda.

Talo soo jeedintaasi ayaa lagu shaaciyey kulan maalintii Isniinta dhexmarey saraakiil ka tirsan xukuumadda Pyongyang iyo Marzuki Darusman, oo ah baarraha gaarka ah ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha xuquuqda aadanaha ee Waqooyiga Kuuriya.

Darusman ayaa la filayaa inuu toddobaadkan soo saaro warbixin uu kaga dalbanayo Golaha Ammaanka in Waqooyiga Kuuriya arrimaheeda loo gudbiyo Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC sababo la xiriira arrimaha xuquuqul insaanka.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in madaxda Waqooyiga Kuuriya ay Isniintii kula doodeen Darusman inuu meesha ka saaro in arrinta waddankooda lagu wargeliyo ICC.

Golaha Ammaanka ayaa la filayaa inuu arrintan u codeeyo aakhirka bisha November. China, oo bahwadaag la ah Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegtay inay hor istaagi doonto qaraarkaasi.

Waqooyiga Kuuriya ayaa waxa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay waddamada ugu xun ee heerka ku tumashada xuquuqda aadanaha.

XS
SM
MD
LG