Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khilaafka Dowladda Federaalka Soomaaliya


Wasiirka Garsoroka iyo Arrimaha Datsuurka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa manata sheegay in shaqada dib u habaynta garsoorka iyo tan dib u eegista dastuurka ay socoto. Hadalkan ayuu sheegay maalin uun ka dib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed uu sheegay in Wasiirka laga beddelay xilkaasi oo laga dhigay Wasiirka Xanaanada Xoolaha. Wasiirka ayaa ku gacansayray inuu ka hadlo xilwareejinta uu Ra’iisul-wasaaruhu sameeyey.

Dhinaca kalana, khilaaf cusub ayaa soo kala dhaxgalay Madxawyenaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ka dib markii uu Ra’iisul Wasaaruhu shalay ku dhowaaqay inuu isku shaandhayn kooban ku sameeyey Golahaasi, balse tallaabadaasi uu diiday Madaxweynuhu. Haddaba khilaafkan cusub iyo waxa dhaliyey iyo wareysiga wasiirka ka dhageyso xagga hoose.

Khilaafka Dowladda
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:10:45 0:00

XS
SM
MD
LG