Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Baadhaya Hub u Gacan Galay ISIS


Taliska dhexe ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in ilaa toddoba weerar oo xagga cirka ah lagu qaaday maalmihii Isniinta iyo Salaasada bartilmaameedyo ay leeyihiin dagaalyahanada ISIS, kuwaas oo kala ah dhismeyaal ay kooxdani leedahay iyo weliba unug kooxdan ka tirsan oo ku sugan meel u dhow magaalada Kobane ee ku taalla woqooyiga dalka Siiriya; Sidoo kale saddex goobood oo kooxdani ku lahayd dalka Ciraaq ayaa la burburiyey, taas oo ay ku jirto goob ay dagaalyahanada ISIS kaga sugnaayen biyo xidheenka Mosul.

Afhayeen u hadlay aqalka Pentagonka Admiral John Kirby ayaa soo dhoweeyey xaaladda magaalada Kobane halkaas oo Kurdiyiinta Syria ay weli ka difaacayaan magaalada Kobane inay gacanta u gasho kooxda ISIS.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ee dalka Maraykanka Admiral John Kirby ayaa sheegay in xoogaga Kurdiyiintu ay gacanta ku hayaan inta badan ee magaaladaas, hase ahaatee ay halis gelinayaan maleeshiyaadka ISIS, isaga oo warbaahinta kula hadlaya aqalka Pentagon ayuu sheegay inay sii kordhiyeen weerarada xagga cirka ah ee ay ku bartilmaameedsanayaan maleeshiyaadka kooxda ISIS si ay u gacansiiyaan xoogaga Kurdiyiinta.

Kirby ayaa ku celiyey inay jirto aragtida odhanaysa inay dhici karto in magaalada Kobane ay gacanta uga geli karto kooxda ISIS. Isagoo hadalkiisa sii raaciyey in ISIS ay ku jiraan weli gudaha magaalada Kobane oo ay ku yare xoogaysanayaan, laakiin aanay wax horumar ah samaynin maalmihii u dambeeyey. Wuxuu sheegay in xooggaga kurdiyiinta oo taageero ka helaya weerarada xagga cirka ee isbahaysiga maraykanku hoggaaminayo inay hoos u dhigeen hour-socodkii kooxda ISIS, gacan ku dhigista magaaladan ayaa muhiimad weyn ugu fadhida maleeshiyaadka kooxda ISIS.

Afhayeenka u hadlay aqalka difaaca ee Pentagon ayaa sheegay in khubaro wax falanqaysaa ay baadhayaan filim la soo dhigay internetka oo yahay mid xaqiiq ah kaas oo muujinaya in 28 xidhmo oo hub, rasaas iyo kaalmo caafimaad ah oo diyaaradaha dalka maraykanku cirka uga daadiyeen dagaalyahanada kurdiyiinta ay ku dhamaadeen kooxda ISIS.

Illaa 1400 oo ka mida milateriga maraykanka iyo ilaalada diplomaasiyiinta ayaa ku sugan ciraaq, laakiin illaa hadda ma jiro codsi kale oo la xidhiidha in la taliyayaal kale looga baahan yahay ciraaq.

XS
SM
MD
LG