Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxii Shirkadda TOTAL oo Geeriyooday


Madaxii shirkadda shidaalka Faransiiska ee TOTAL ayaa geeriyooday kadib markii diyaaraddiisa khaaska ah ay isku dhaceen gaari kuwa xaaqa barafka gudaha garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalada Moscow.

Christophe de Margerie, oo 63 jir ahaa iyo saddex ka mid ah shaqaalaha diyaaradda ayaa ku dhintey shilkaasi markii diyaaradda uu dab qabsadey, iyadoo xiligaasi ka duuleysa garoonka Vnukovo International Airport kuna sii jeedday magaalada Paris.

Afhayeen u hadashey baareyaasha dhinaca gaadiidka ee Russia Tatyana Morozova ayaa sheegtay in dacwad dembiyeed la furey, isla markaana laga yaabo in qaar ka mid ah saraakiisha garoonka shaqada laga eryo.

Baareyaasha waxay rumeysan yihiin in ninka wadey gaariga barafka xaaqa oo shilkaasi ka badbaadey uu khamri cabsanaa markii diyaaradda ay ku dhacdey gaarigiisa wax yar ka hor saqdi dhexe.

Shirkadda TOTAL ayaa xaqiijisey geerida Mr de Margerie maanta. Shirkaddu waxay kaloo sheegtay in afarta qof ee diyaaradda saarnayd ay isla goobtii ku dhinteen.

XS
SM
MD
LG