Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pistorius oo 5 Sanno oo Xarig ah Lagu Xukumey


Xaakim u dhashey Koonfuur Africa ayaa shan sanno oo xarig ah ku xukumey orodyahanka Oscar Pistorius oo lagu heley inuu dilay gabar ay saaxiibo ahaayeen oo magaceeda la oran jirey Reeva Steenkamp.

Xaakim Thokozile Masipa ayaa xukunkaasi maanta kaga dhawaaqdey maxkamad ku taalla magaalada Pretoria, ku dhowaad toddoba bilood kadib markii dacwadan ay bilaabatey.

Qareennada difaacayey ayaa xukunkan kadib sheegay in inay rajeynayaan in Pistorius uu xabsi ku jiri doono 10 bilood oo qura, ka hor intaanu dhameysan muddo horey loogu xukumey oo xabsi guri uu ku jirayo.

Dacwad-oogeyaasha ayaa doonayey in 10 sanno oo xarig ah lagu xukumo, halka qareennada difaacayana ay ku doodeen in xabsi guri lagu xukumo, bulshadana uu u adeego iyagoo taa u sababeynaya in Pistorius oo labada lug ay go’an yihiin inuu dhibaato kala kulmi karo xabsiga.

Xaakim Masipa ayaa sheegtay inay ku qanacsan tahay in hay’adda xabsiyada iyo asluubta ay haystaan agab ku filan oo ay ugu adeegi karaan maxaabiista baahiyada gaarka ah leh.

Waxay xukunka ay ridday ku tilmaantey inuu sax yahay labada dhinaca ee eedeysanaha iyo bulshada labadubana u wanaagsan yahay.

Pistorius waxaa bishii la soo dhaafey lagu heley inuu diley Steenkamp bishii February 2013.

XS
SM
MD
LG