Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gabdho Da' yar oo lagu Qabtay dalka Jarmalka


Frankfurt Airport.
Frankfurt Airport.

Saddex gabdhood oo da’ yar, kuwaas oo ku nool magaalada Denver, gobolka Colorado ee dalka Maraykanka ayaa lagu qabtay magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka. Warkaas waxa VOA-du ay ka heshay xigtada iyo saaxiibada gabdhahaas. Labo ka mid ah gabdhahan ayaa asal ahaan Soomaali ah, kuwaas oo da’doodu ay kala tahay 15 iyo 16 jir. Gabadha saddexaad ayaa u dhalatay dalka Sudan, taas oo aan wali da’deeda la xaqiijin.

Meesha ay gabdhuhu u socdeen wali ma cadda, hase yeeshee waxa mid ka mid ah gabdhuhu ay ciidamada ammaanka u sheegtay in ay u socdeen dalka Turkiga si ay wax u soo bartaan.

Xigto iyo saaxiibo magacooda qariyey, ayaa VOA qeybteeda afka Soomaaliga u sheegay in Jimcihii hore gabdhaha la waayey. Mid ka mid ah xigtada ayaa sheegay in ay magaalada Denver ka tageen galabtii Jimcaha, siina mareen magaalada Chicago, iyaga oo u sii socda magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka.

Xigtada ayaa sheegtay in isla markiiba ay ciidanka ammaanka ogeysiiyeen, kuwaas oo iyaguna la xiriiray dhigooda Jarmalka.

Gabdhaha ayaa la sheegay in hadda dib loogu soo celinayo dalka Maraykanka.

Wixii warar ah ee ka soo kordha, idaacahayaga dambe ayaad ku maqli doontaan.

XS
SM
MD
LG