Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ay Dad ku Dhinteen oo Muqdisho ka Dhacay


Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay tira aan la garaneyna wey ku dhaawacantay qarax gaari loo adeegsaday meel ku dhow Makhaayad ku taala degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Degamada Xamar Weyne Abdulkhadir Maxamed Abdulkadir ayaa u sheegay VOAda in in qaraxa uu ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay banaan maqaayada oo ku dhow dhismaha Golaha Murtida iyo Madadaalada.

Maanta gelinkii hore, ayaa sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida Qaranka iyo qof kale ay ku dhinteen, ka dib markii uu ku qarxay bam gaarigiisa loogu rakibay.

XS
SM
MD
LG