Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Madaxda Caalamka Kala Hadlay Ebola


Madaxweynaha Maraykanka Obama oo khadka tilifoonka kula hadlay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa sheegay inay ku heshiiyeen in baahi loo qabo in lala yimaaddo ballanqaadyo adag iyo weliba taakulo degdeg ah oo loo diro wadamada Galbeedka Afrika ku yaalla si loo joojiyo fiditaanka Ebola.

Madaxweyne Obama oo ay sidoo kale khadka telefoonka ku wada xidhiidheen Madaxweynaha dalka Faransiiska ayay ka wada hadleen in la qaado tallaabooyin isku xidhan si loo xakameeyo faafista cudurkan, tallaabooyinkaas oo ay ku jiraan in galbeedka Afrika laga hirgeliyo goobo lagu daaweeyo dadka xanuunkani ku dhaco iyo weliba in la baadho caafimaadka dadka raacaya diyaaradaha ee gobolkaas ka soo safraya.

Madaxweyne Obama sidoo kale macluumaad laga siiyey jawaabta laga bixiyey habka loola tacaalay bukaankii labaad ee uu xanuunka Ebola ku dhaco gudaha dalka Maraykanka oo ah kalkaaliso caafimaad oo ku sugan gobolka Texas, waxyaabaha madaxweynaha lagu wargeliyey ama macluumaadka laga siiyey waxaa ku jira baadhitaan la xidhiidha sida ay u dhacday iyadoo la raacayo anshaxa caafimaadka iyo ka feejignaanta in haddana ay suuro gashay in mid ka mida shaqaalihii caafimaadka laga helo xanuunkan.

Warbaahinta ayaa ogaatay in bukaanka xanuunkani ku dhacay ay ahayd kalkaaliso caafimaad oo 26 jir ah laguna magcaabo, taas oo daryeel caafimaad u fidisay nin u dhashay dalka Liberia oo xanuunkan ugu geeriyooday gudaha dalka Maraykanka, xilligan waxaa xaaladeeda caafimaad lagula tacaalayaa goob gaar ah, xaaladeeda caafimaadna waa mid deggan.

XS
SM
MD
LG