Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkiga oo Saldhigyadooda Ogolaaday


Saraakiisha gaashaandhiga ee Maraykanka ayaa sheegay in dawladda Turkigu ay ogolaatay in saldhgiyadeeda ay adeegsan karaan ciidamada uu Maraykanku hogaaminayo ee dagaalka kula jira ururka ISIS eek a dagaalama Ciraaq iyo Suuriya.

Saraakiisha ayaa sheegay inay filayaan in heshiiska uu ka mid noqon doono saldhiga ciidamada cirka ee Turkiga ee Incirlic, kaasi oo 100 kilomitir u jira xadka Suuriya Iyo Turkiga.

Xoghayaha gaashaandhiga ee maraykanka Chuck Hagel ayaa sheegay in adeegsiga saldhigaas uu ka mid ahaa codsiyada ay Maraykanku u gudbiyeen Turkiga.

Koox ka socota wasaaradda gaashaandhiga ee Maraykanka ayaa lagu wadaa todobaadkan inay tagaan Turkiga si ay u soo dhamaystriyaan qorshaha lagu hawlgalayo.

Talaabadan ayaa daba socota kulamo ay madaxda Turkigu la yeeshaan Janaraal ka tirsan ciidanka maraykanka iyo Sarkaal sare oo ka socday wasaaradda arrimaha dibada ee Maryaknka oo todobaadkii hore booqasho ku tagay Turkiga.

XS
SM
MD
LG