Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Falastiin oo loo Yaboohay 5.4 Bilyan oo Dollar


Dalalka deeqda bixiya ayaa yaboohay lacag dhan 5.4 bilyan oo dollar si dib loogu dhiso magaalada uu dagaalku burburiyey ee Gaza ee Falastiin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Norway Boerge Brende ayaa Axaddii shalay shaaciyey lacagta la yaboohay oo ay bixinayaan 30 dal oo ka qeyb galay shirka oo ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar. Lacagta ayaa kor u dhaaftay 4tii bilyan oo madaxweynaha Falastiin Maxmuud Cabbaas uu sheegay in loo baahan yahay in lagu dhiso qeybtii la burburiyey ee magaalada Gazaq, ka dib dagaal qaatay 50 maalmood oo dhex maray ururka Xamaas iyo Israel bilihii July iyo August ee sanadkan.

Dalalka deeqda ugu badan bixiyey waxa ka mid ah dalalka Qatar oo hodan ku ah gaaska dabiiciga ah, dalkaas oo bixiyey 1 bilyan oo dollar.

Dib-u-dhiska Gaza
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:40 0:00

XS
SM
MD
LG