Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DFS iyo Puntland oo Shir uga Furmay Garoowe


Shirka Garoowe uga Furmay Dowladda Federaalka iyo Puntland
Shirka Garoowe uga Furmay Dowladda Federaalka iyo Puntland

Cabdiweli Sh. Axmed, ra'iisul-wasaraaha Soomaaliya ayaa maanta Garoowe ka furay shir saddex cisho socon doono oo lagu xalinayo khilaafka ka dhex-taagan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Cabdiweli iyo wafdi u hoggaaminayay ayaa gaaray shalay Garoowe, si ay Puntland ula furan wadaxaajoodyo kana qanciyaan waxay tabanayaan.

RW ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in labada dhinac ay is-afaran doonaan.

Dhinaca kalena, Madaxweynaha Puntaldn, Dr. Cabdiweli Gaas ayaa isna kulanka maanta ka sheegay in Puntland ay doonayso xaqeeda inay hesho diyaarna u tahay inay wadaxaajoodkooda gasho.

Maamulka Puntland ayaa ka carooday qorshe ay dowladda federaalku wado oo maamul-loogu sameynayo gobollada dhexe, inkasta oo madaxweynaha Somaaliya uu sheegay in maamul-u-sameynta gobollada dhexe aanu wax dhibaato ah ku ahayn Puntland. Si kastaba ha noqotee kulankan 3-da cisho soconaya ayaa la filayaa in labada dhinac ay si saraaxad leh uga doodaan waxay kala tabanayaan, kaddibna xal ka gaaraan.

XS
SM
MD
LG