Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan oo Booqday Baraawe


Madaxweyne Xasan oo Baraawe jooga
Madaxweyne Xasan oo Baraawe jooga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho aan hore loo shaacin ku tagay degmada Baraawe oo dhawaan laga qabsaday ururka al-Shababa.

Madaxweynaha ayaa soo booqday dekedda, cisbitaalka iyo meello kale duwan oo ka tirsan Baraawe, wuxuuna kulan la qaatay odoyaasha iyo qaar ka mid ah shacabka degan Baraawe.

Cabdiqaadir Nuur Siidii, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose ayaa VOA u sheegay in dadka Baraawe ay madaxweynaha ka dalbadeen waxqabad, gaar ahaan amni iyo maamul ay dadka deeggaanka matala oo la soo dhiso.

Baraawe waxay xarun u ahayd ururka al-Shabaab toddobadii sannadood ee la soo dhaafay, balse toddobaadkii hore waxaa qabsaday ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

XS
SM
MD
LG