Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tirada Dadka Ebola u dhintay oo Korortay


Hey’adda Caafimaadka Aduunka, WHO, ayaa sheegtay in tirada dadka ilaa iyo hadda u dhintay xanuunka Ebola ay korodhay, iyadoo gaartay in ka badan 4 kun oo qof.

WHO ayaa sheegtay Jimcihii shalay in ku dhawaad 8kun iyo 4 boqol oo qof uu ku dhacay viruska la diwaan geliyay ilaa iyo todoba wadan, 4, kun 33 qof oo ka mid ahna ay u dhinteen.

WHO waxey sheegtay in dhamaan dadka cudurka u dhintay ay ku dhinteen dalalka uu sida ba’an u haleelay ee galbeedka Africa, sida Liberia, Sierra Leone iyo Guinea.

Sagaal qof oo kaliya ayaa ku dhintay meelo ka baxsan sadexdaasi dal.

Sideed qof waxey u dhinteen Nigeria halka qofka kalena uu ku dhintay Mareykanka.

Macluumaadka ayaa sidoo kale muujinaya in min hal Keys oo Viruska ah laga helay dalalka Spain iyo Senegal, laakiin aaney qofni ugu dhiman dalalkaasi.

Viruska Ebola oo ka duwan kan dalalkaasi aafeeyay oo ka dilaacay Jamhuuiriyadda Dimuquraadiga Congo ayaa waxaa ku dhintay 43 qof.

XS
SM
MD
LG