Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Lazzarini iyo Keith Ellison oo VOA u Warramay


Madaxa Gargaarka Aadminimo ee Qaramada Midoobay ee Somalia, Philip lazzarini ayaa ka deyriyay xaalda dadka ku nool gobolada Somalia qaarkood oo ay abaartu sida xun u saameysay.

Dhinaca kalena, abaarahaas laga digayo waxaa qeyb ahaan wax ka tara lacagaha laga xawillo dibadda. Hase yeeshee, xawilaadaha waxay dhibaato ka haystay sharciyo ay soo saartay Wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanku. Wasaaradda ayaa haddaba shalay soo saartay talaabooyin ay ku fududeynayso hawlaha xawaaladaha.

Mudanaha congresska Maraykanka Keith Ellison oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa kaalin weyn ku lahaa sharciyaddan cusub ee wax lagu fududeynayo.

Haddaba Maxamed Cabdi Sandhere ayaa khadka telefonka ku wareystay Mudane Ellison, waxana uu ugu horeyn weydiiyey sida uu arko talaabadan cusub ee Wasaaradda Maaliyaddu qaadday.

Wareysiyada P. Lazzarini iyo K. Ellison
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:51 0:00

XS
SM
MD
LG