Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisado ka Dhex Aloosan Pakistan iyo India


Wasiirka Difaaca ee India ayaa uga digay Pakistan inay bilowdo waxa uu ugu yeeray weeraro daandaansi ah oo ka dhan ah qeybta ay India maamusho ee gobolka Kashmir.

Arun Jaitley waxaa uu sheegay in haddii Pakistan ay xadka India ka sii waddo waxa uu ugu yeerey xeeladaha aan ka fiirsiga lahayn ee khatarta ah, waxaa dhici doonta in ciidamada India ay jawaabta ku habboon ka bixin doonaan talaabooyinkaasi Pakistan qaadeyso.

Waxaa uu wasiirku talaabada Pakistan ku tilmaamey inay tahay mid la doonayo in lagu abuuro xiisado aan horey u jirin.

Ciidamada India iyo Pakistani ayaa maalmihii dhowaa rasaas isku weydaarsanayey xadka gobolka Kashmir.

Ugu yaraan sagaal ruux oo Pakistan u dhashey iyo siddeed India u dhashey ayaa lagu diley is-rasaaseyntani, iyadoo dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

India ayaa sheegtay in 80 tuulo ay weeraradan aafeeyeen, waxayna taa keentay in kumanaan qof ay guryahooda ka cararaan.

Xiisadaha u dhexeeya labada dal ayaa sii xoogeystey tan iyo markii India ay joojisey wadahadaladii ay kula jirtey Pakistan, kadib markii safiirka Pakistan uu kulan la yeeshay xubno ka tirsan gooni u goosadka Kashmir.

India waxay sheegtay in Pakistan looga baahan yahay inay kala doorato wadahadal ay la yeelato xukuumadda New Delhi ama gooni u goosadka Kashmir.

XS
SM
MD
LG