Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliska London oo Fashiliyay Qorshe Argagixiso


Booliska magaalada London ee dalka Britain ayaa sheegay in afar qof oo lala xiriirinayo argagixisanimo ay soo xireen, taana laga yaabo inay fashilisay qorshe marxaladihiisii hore marayay oo la damacsanaa in weeraro argagixiso looga geysto UK.

Mid ka mid ah afartan nin oo lagu hayo saldhigga Booliska ee Bartamaha London ayaa sida ay sheegeyso warbahinta Britain waxa uu tegay Syria.

Booliska London ayaan faahfaahin buuxda ka bixin qaabka iyo halka ay raggani doonayeen inay weerarka ka fuliyaan.

Bilihii u dambeeyay waxaa dalka Britain saameyn xooggan ku yeeshay cabsida laga qabo argagixisada. ka dib markii dhalinyaro badan oo ka tagay dalalka Yurub oo ay Britain ku jirto ku biireen ISIS

XS
SM
MD
LG