Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waqooyiga iyo K-Kuuriya oo Rasaas is Weydaarsadey


Maraakiibta dagaalka ee Waqooyiga iyo Koonfuurta Kuuriya ayaa rasaas digniin ah isku weydaarsadey goob ku dhow xad badeedka lagu muransan yahay. Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa laba maalmood kadib markii labada dhinac ay isku raaceen inay yeeshaan wadahadalo heerkoodu sareeyo, kuwaas oo dad badani ay filayaan inay wax weyn ka tari doonaan hagaajinta xiriirka ka dhexeeya labada Kuuriya.

Saraakiisha wasaaradda difaaca ee magaalada Seoul ayaa sheegaya in Markab dagaal oo Koonfuurta Kuuriya leedahay uu rasaas digniin ah ridey, kadib markii Markab dagaal oo Waqooyiga Kuuriya leeyahay uu ka soo gudbey goobta loo yaqaano Xariiqa Waqooyi oo ku taalla xeebta galbeed.

Markabka Waqooyiga Kuuriya ayaa isna rasaas ridey ka hor intaanu dib u laaban.

Saraakiisha oo diiday in magacyadooda la xuso, ayaa sheegay in labada dhinac aanu midoodna isku dayin inuu kan kale waxyeeleeyo, isla markaana aaney jirin wax dhaawac ah iyo khasaare ka dhashey dhacdadii maanta.

Waxay intaa ku dareen in markabka Koonfuurta Kuuriya uu ridey ilaa 90 xabadood intii rasaas is weydaarsiga labada dhinac uu socdey.

XS
SM
MD
LG