Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Kalsooni ka Qaba Ka Hortagga Ebola


IsbitaalkaTexas Health Presbyterian ee magaalada Dallas oo uu jiifo qofkii ugu horeeyay ee Ebola lagu arko ee dalka Maraykanka.
IsbitaalkaTexas Health Presbyterian ee magaalada Dallas oo uu jiifo qofkii ugu horeeyay ee Ebola lagu arko ee dalka Maraykanka.

Madaxa sare ee hay'adda Maraykanka u qaabilsan ka hortagga cudurada faafa, ayaa sheegay inusan ka cabsi qabin in cudurka Ebola uu ku faafo maraykanka.

Laakin waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in cudurkaasi lagu xakameeyo qaaaradda Africa si loo yareeyo halista uu caalamka ku yeelan karo

Wakhtigan xaadirka ah waxa dalkan Maraykanka la hubaa oo kaliya nin u dhashay dalka Liberia oo cudurkaasi hayo kuna jira isbitaal ku yaalla magaalada Dallas.

Waxaa jira heegan sare oo la galiyay waaxyaha aammaanka ee hay’adaha socdaalka sida uu sheegay Tom Frieden oo ah madaxa xaruunta dalkan Marykanka u qaabilsan cudurada faafa.

XS
SM
MD
LG