Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shir Somalia ku Saabsan oo New York lagu Qabtay


Shir gaar ah oo ku saabsan arrimaha Somalia ayaa xalay lagu qabtey xarunta qaramada midoobay ee magaalada New York.

Shirkan oo ka gaar ahaa shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, Xoghayaha guud QM, iyo guddoomiyaha guddiga Midowga Africa.

Xasan Sheekh ayaa shirka ka sheegay wixii u qabsoomay dowladdiisa isagoo xusay in siyaasadd dowladdiisu ku dhisan tahay wadatashi si dadka oo dhan laga qeybgaliyo talaabooyikna ay aayahooda ku go'aaminayaan.

Xoghayaha Guud ee Qarmada Midoobay Ban ki Moon oo isna kulan ka hadlay ayaa soo dhoweeyey horumarka siyaasadeed ee Somalia ay ku talaabsaneyso.

Dlamini-Zuma, Guddomiyaha guddiga midowga Africa ayaa iyadiuna shirka ka sheegtay in midowga Africa uu baadhayo eedaha ciidamada AMISOM loo jeediyay ee ku aadan inay kufsi ka geysteen gudaha Somalia.

C/raxmaan Beyle, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in shirkan looga hadlay geedi-socodka lagu xaqiijinayo doorashada 2016-ka la qaban doono.

C/raxmaan Beyle wuxuu kaloo VOA u sheegay in jaamacadda Carabtu ay maanta u balanqaaday dowladda Soomaaliya inay bil-walba Somalia siin doonto 10 malyuun oo Dollar oo lagu kabayo miisaaniyadda dowladda Somalia.

Wariyaha VOAda Daa'uud Aweys oo shirka jooga ayaa warbixintan noo soo diray.

Q Midoobay iyo Somalia
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:09:34 0:00

XS
SM
MD
LG