Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqeynta ku Socota Daacish Maalintii Labaad


Isbaheysi uu Mareykanku hor kacayo ayaa maalintii labaad duqeymo la beegsaday baro ay gudaha Syria kaga suganyihiin Maleeshiyada Daacish.

Afhayeen u hadlay Xarunta Gaashaandhigga ee Pentagon, Rear Adm. John Kirby ayaa sheegay in baltimaameedka maanta duqeynta lagu qaaday ay aheyd goob kooxda Daacish ay u adeegsaneysay in qalabkeeda milatari iyo sahayda kale ee ay u talaabiso dhinaca Ciraaq oo ku taala xadka labada dal.

Mr. Kirby ayaa ka sheegay Telefishinka CNN in sidoo kale dayaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeeyeen baro ay ku Daacish ku leedahay gudaha Ciraaq, kuna dhow magaalada xarunta u ah Kurdiyiinta ee Irbil iyo Baqhdad.

Duqeyntan ugu dambeeysay ayaa daba socota weeraradii ugu horeeyay ololahan Daacish ka dhanka ah oo shalay ay wada fuliyeen Mareykanka iyo shan dal oo xulufadiisa carbeed ah.

Kirby waxa uu leeyahay in duqeyntii shalay ay waxyeelo weyn u geysatay bartilmaameedkii loola dan lahaa.

Kooxda la socodka xuquuqda Aadanaha ee Syria ayaa ku soo warameysa in 120 ka mid ah dagaalyahanada Daacish iyo al-Qaida lagu dilay duqeymihii shalay.
Weeraradii shalay oo si gaar ah uga dhacay Syria ayaa waxaa gacan ku siiyay Mareykanka dalalka Baxhrain, Saudi Arabia, Jordan, Qatar iyo Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa isna maanta khudbad ka hor jeedinaya shirka Golaha Loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay ee New York ka socda, taasoo uu xoogga ku saari doona dagaalka ka dhanka ah mintidiinta Daacish.

XS
SM
MD
LG