Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waraysi Gaar ah: Xeer Ilaaliyaha Minnesota


Xeer ilaaliyaha Gobolka Minnesota Andrew Luger ayaa shaaca ka qaadday in ciidamada ammaanku ay baarayaan dhalinyaro isugu jirta rag iyo dumar oo ka tagay Minnesota una duulay dalka Syria si ay ugu biiraan ururada mayalka adag.

Xeer ilaaliyaha Minnesota Mr Lugar ma aanu sheegin tirade dhabta ah ee dhalinyarada dhooftay, laakin waxa uu sheegay in ay qaybo kala duwan oo bulshada ah ka soo jeedaan.

Mr Andrew Luger ayaa sheegay in dadkan dhalinyarada duufsada ee geeya Syria iyo Iraq ay yihiin kuwa farsamo badan.

Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay In mas’uuliyinta laga rabo inay kordhiyaan dadaalka si ay ula jaan qaadaan heerka farriimaha ay gudbinayaan kooxaha mayalka adag .

Mar wax laga waydiiyay in dadka dhalinyarada duufsada ay adeegsadaan Internetka ayaa waxa uu sheegay in internetka kaliya uusan ahayn ee ay jiraan dad si toos ah arrintan kaalin uga qaata.

Ugu dambayntii waxa uu sheegay in dhalinyarada Soomaalida ah ay u baahanyihiin waxbarasho fiican iyo fursado badan oo dhinaca shaqooyinka ah.

Waxaana uu ugu baaqay jaaliyadda in ay la shaqeeyaan dawladda waxaana uu sheegay inaanay ka cabsan la shaqaynta laamaha ammaanka.

Warbixin ku saabsan waraysiga Xeer Ilaaliyaha ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Dhegayso: waraysi gaar ah oo VOA la yeelatay Xeer ilaaliyaha Minnesota
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:28 0:00

XS
SM
MD
LG