Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Jubbooyinka oo Kismayo ka Furmay


Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka furmay qeybta labaad ee shirka dib-u-heshiisiinta beelaha daga gobollkada Jubbooyinka iyo Gedo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka furay ayaa sheegay inuu rajaynayo inuu miro dhalo, wuxuuna sheegay in dowladdiisu ay taageereyso dhismaha maamullada dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in cid walba oo wax tabanayso ay ka soo qeybgasho shirka si loo dhameeysitiro maamulka qabyada ah ee Jubba.

Shirkan oo soconaya ilaa bisha danbe ayaa waxaa ka qeygbalaya ergooyin ka yimid gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Furitaanka shirkan maanta waxaa kaloo ka qeybgalay ergooyinka beesha caalamka ee Soomaaliya.

Shirkan waxaa diiday inuu ka qeybgalo Barre Hiiraale, oo isagu sheegay in shirkani aanu ahayn kii ay ku balameen isaga iyo dhinaca Axmed Madoobe.

Wasiirka Maaliyadda DFS, Xuseen Cabdi Xalane oo ka mid ahaa wasiirrada la socday madaxweynaha ee furitaanka shirka ka qeybgalay ayaa VOA uga warramay shirka.

Sidoo kale Barre Hiiraale ayaa wareysi siiyay VOA.

Dhageyso Wareysiga Wasiirka Maaliyada Xalane iyo Barre Hiiraale
please wait

No media source currently available

0:00 0:11:51 0:00

XS
SM
MD
LG