Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul Wasaare Cameron oo u Hanjabey ISIS


Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron ayaa wacad ku marey inuu burburin doono khatarta ka imaneysa maliishiyaadka kooxda ISIS kadib markii ay ay gowraceen in u dhashey Britain oo ka tirsanaa shaqaalaha samafalka.

Mr. Cameron aya hadalkan maanta ka jeediyey magaalada London, maalin kadib markii kooxda ISIS ay soo bandhigtey cajalad video oo muujineysa iyagoo dilaya David Haines.

Waxaa uu sheegay in Haines oo 44 jir ahaa, isla markaana dhaley laba carruur ah ay kooxda ISIS ku dishey qaab naxariista ka fog, waxaana Mr Cameron uu kooxdan ku tilmaamey inay yihiin kuwo xumaha la saaxiib ah.

Waxaa uu balanqaadey inuu ugaarsan doono, caddaaladdana horkeeni doono kuwa diley Mr Haines.

Mr. Cameron waxaa uu intaa ku darey in Britain ay si adag uga hortagi doonto ISIS iyadoo la kaashaneysa dowladda Ciraaq iyo maamulka Kurdiyiinta Ciraaq, isla markaana uu taageeri doono tallaabooyinka milateri ee Mareykanku ka qaadayo kooxdan.

XS
SM
MD
LG