Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mashruuca "Aada Iskuulka" oo Sannad Jirsaday


Mas’uuliyiinta Soomaalida iyo kuwa Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyey diiwaangelinta ku dhowaad 60 kun oo carruur ah oo laga qoray iskuullada Waxbarashada.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa sannad kadib markii lagu dhowaaqay Ololaha AADA ISKUULKA oo soconaya saddex sano bartilmaameedkiisu yahay in muddadaas ay waxbarasho helaan ilaa 1 milyan oo caruur iyo dhalinyaro ah.

Saraakiisha waxbarashada ayaa shaaca ka qaaday in la shaaqalaysiyay ku dhawaad 2 kun oo macallin isla markaana dib u dhistay dugsiyo badan.

Tallaabadan ayaa ah wajiga koowaad ee Ololahan oo socon doona saddex sano.

Ololahan ayaa waxaa iska kaashanaya dawladda Somalia iyo hay’adda UNICEF, waxaana lagu qiyaasay inay ku baxayso lacag dhan 117 Milyan oo dollar.

Warbixin arrintaasi ku saabsan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Dhegayso: Warbixin ku saabsan ololaha dugsi gaynta dhalinta Somalia
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:10 0:00

XS
SM
MD
LG