Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudiga oo Martigelinaya Shir ku Saabsan ISIS


Sacuudi Caraabiya ayaa sheegtay inay martigelin doonto kulan ay wadajir u qaban doonaan dalalka gobolka iyo Mareykanka, kaas oo looga xaajoon doono dadaalada la dagaalanka argagixisada.

Kulanka ayaa la filayaa inuu maalinta Khamiista ka dhaco magaalada Jeddah. Wakiilo ka kala socda Masar, Turkiga, Jordan iyo waddamada xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan.

Dalka Sacuudi Caraabiya ayaa lagu soo waramayaa inuu si weyn uga walaacsan yahay guulaha degdegga ah ee uu ururka Islaamiga ah ee ISIS gaarayo.

Khubarada arrimaha gobolka ayaa aamisan in Sacuudiga uu ka walaacsan yahay in ururka ISIS uu shacabka Sacuudiga ku dhiirigelin karo inay raacaan mabda’a xagjirnimada.

Mareykanka oo dhowaan weeraro cirka ah ku qaadey goobaha ISIS ay ka taliyaan Ciraaq, ayaa doonaya in dalalka Khaliijka ay iyaguna qaadaan talaabo milateri oo ka dhan ah ISIS.

XS
SM
MD
LG