Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqeyn ka Dhacdey Bariga Ukraine


Magaalada Donetsk ee bariga Ukraine ayaa xaley la duqeeyey, xilli uu jiro heshiis xabbad joojin ah oo toddobaadkii hore ay wada saxiixeen dowladda iyo xoogagga gooni u goosadka taabacsan Russia.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in saldhigyada ciidamada Ukraine ee ku yaalla magaalada ay fallaagada haystaan xaley lagu weerarey hoobiyeyaal iyo gantaallo.

Lama oga inay jiraan dad wax ku noqdey duqeyntaasi.

Heshiiska xabbad joojinta ayaa weli shaqeynaya inta badan dhulka ku yaalla bariga Ukraine tan iyo markii uu bilowdey maalintii Jimcaha.

Laakiin waxaa jira dagaallo laga soo sheegayo qeybo ka tirsan gobolka, gaar ahaan qeybta ay warshadaha ku yaallaan ee Donetsk kuna dhow magaalada dekadda leh ee Mariupol.

XS
SM
MD
LG