Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cuqaal laga Horjoogsaday Booqashada Guriceel


Cuqaal ka soo jeedda gobolka Galgduduud ee bartamaha Somalia ayaa maalintii shalay ahayd laga soo celiyey gegida dayuuradaha ee magaalada Guriceel ee gobolkaas. Cuqaasha oo ka duulay magaalada Muqdisho ayaa halkaas u tagey arrimo la xariira wax ka qabashada abaaraha gobolada dhexe ka jira iyo kuwo siyaasadeed intaba.

Odayada ayaa qaarkood dhaawac soo gaaray ka dib markii saraakiil ka tirsan ururka Ahlusunna Waljameeca ee degaanka ay is af dhaafeen.

Haddaba faahfaahinta dhacdadan ayaa Maxamed Cabdi Sandhere uu ka wareystay Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo hadda Muqdisho ku sugan, kana mid ahaa odayadii Guriceel tagey.

Cuqaasha la Celiyey
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:10:43 0:00

XS
SM
MD
LG