Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pentagon oo Xaqiijiyay Dhimashada Godane.


Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in Axmed Godane uu ku dhintay weerarkii ay dayuurad Drone ah uu Mareykanku leeyahay ay la beegsatay Isniintii la soo dhaafay meel waqooyiga kaga beegan magaalada Barawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Warkan ayaa lagu sheegay in dhimashada Axmed Godane ay guul taariikhi ah u tahay dagaalka lagula jiro al-shabab iyo argagixisada geeska Africa ee xiriirka la leh Al-qacida, .

Warkan waxaa lagu sheegay , in arintan ay sidoo kale guul u tahay sanado badan oo sir doonka Mareykanka ay ku daba jireen hogaamiyeyaasha argagixisada Gobolka.

Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa intaasi ku dartay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso dowladda Somalia iyo ciidamada kaabaya ee Midowga Africa, dagaalka ay kula jiraan Al-shabab.

Dowladda Mareykanka ayaa Al-shabab ku dartay liiska ururada Argagixisada bishii Bishii February ee sanadkii 2008dii, iyadoo markii dambana dul dhigtay madaxa Axmed Godane lacag gaareysa todoba malyuun oo dollar.

XS
SM
MD
LG