Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pakistan:Mucaaradka oo laga Saaray Tilifishanka Dawladda


Ciidamada ammaanka ee Pakitsan ayaa boqolaal ka mid ah taageeryaasha mucaaradka ka saaray dhismaha Tilifishanka dawladda oo ay xoog ku qabsadeen.

Taageerayaasha mucaaradka oo dibad-baxayo waday maalmihii la soo dhaafay ayaa gudaha u galay xaruunta tilifishanka iyaga oo baahiintii socotay hawada ka saaray.

Dadka bannaan-baxa wada ayaa doonaya inuu is casilo Ra’iisal wasaare Nawaaz Shariif.

Goor sii horaysay oo Isniintii maanta ahayd ayaa dibad baxayaashu waxay isku dhaceen ciidamada booliska ee rabshadaha ka hortaga.

Inkasta oo roob badan jiray hadana dibad baxayaashu waxay isku dayeen inay xoog ku dhaafaan ciidanka booliska si ay u gaaraan hoyaga uu degganyahay Ra’iisal wasaare Nawaaz Shariif.

XS
SM
MD
LG