Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-shabab oo Laga Qabsaday Buulomareer


Ciidamada Midowga Africa oo ay weheliyaan kuwa dowladda Somalia ayaa maanta qabsaday degmada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii saaka waabarigii ay qaadeen howlgal ciidan.

Afhayeenka Ciidamada Amisom Col: Cali Xaamud ayaa sheegay in askari ka tirsan Amisom oo u dhashay dalka Uganda uu ku dhintay howlgal laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Xaamud wuxuu sheegay in ciidanku ay xalay saqdii dhexe qaadeen howlgal la magac baxay "Badweynta Hindiya" oo ka dhanka ah goobaha ururka al-Shabaab uu ka haysto gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhageyso Wareysiga Col: Cali Xaamud:

Dhageyso Wareysiga Afhayeenka Amisom
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:41 0:00

Dhinaca kale, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii, guddoomiyaha gobollka Shabeellaha Hoose ayaa VOAda u sheegay in ciidanku ay sidoo kale qabsadeen Goolweyn iyo tuullooyin kale, wuxuuna sheegay in maleeshiyada al-Shabab ay haatan ka cararayaan goobihii ay ku sugnaayeen.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladduba ay iminka 5 KM dhaafeen Buulomareer, ayna ku sii socdaan dhinaca iyo magaalada Baraawe, oo ah saldhiga ugu weyn ee ururka al-Shabaab uu ku leeyahay koonfurta Soomaaliya.

Wareysiyo aan la kala yeelanay Siidii iyo goobjoog Buulomareer ku suggan halka hoose ka dhageyso:

Dhageyso Wareysida Sidii iyo Goobjooge
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:46 0:00

XS
SM
MD
LG