Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab oo laga Saaray Tiyeglow


Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Tiyeglow ee Gobolka Bakool.

Ciidmadan ayaa la sheegya in maanta duhurkii ay magaalada qabsadeen. Tiyeglow waa degmadii ugu dambaysay degmooyinka Rasmiga ah ee Gobolka Bakool ee Laga qabsado al-Shabab.

Guddoomiyaha Gobolka Maxamed Cabdi Tool ayaa VOA u sheegay in qorshaynta iyo diyaarinta weerarkan ay socotay shanti maalmood ee la soo dhaafay.

Dadka ku nool deegaanka ayaa sheegay in kooxda al shabaab dhinaca duurka u baxsatay.

Waraysiga Guddoomiyaha gobolka ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Dhegayso: Shabaab oo laga saaray Tiyeglow
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:13 0:00

XS
SM
MD
LG