Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ukraine oo Ruushka Faraglin Hubaysan ku Eeedaysay


Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Ukraine ayaa sheegay in Taangiyo iyo baabuur gaashaaman oo ay leedahay dawladda Russia ay soo galeen koonfurta bari ee Ukraine.

Afhayeenka Golaha Nabad Sugidda ee Ukraine Andriy Lysenko ayaa sheegay in kolanyo ka kooban toban taangi iyo laba baabuur oo ah nooca gaashaaman ay ka soo talaabeen xadka. Taangiyada ayaa sida uu mas’uulkan sheegay waxaa ay wateen calanka kooxda gooni goosadka ah ee Donetsk.

Goor sii horaysay oo Isniintii maanta ahayd ayaa saraakiisha dalka Ukraine waxay sheegeen in ciidamada Ukraine ay kooxaha goooni goosadka kula dagaalameen agagaarka magaalo yar oo ku taalla badda Azov.

Taangiyadan ayaa laga cabsi qabaa in ay u socdaan magaaladasi si loo xoojiyo jabhadda halkaasi ka galaamaysa.

XS
SM
MD
LG