Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kooxda Misrata oo Qabsatay Gegida Tripoli


Maleeshiya Islaami ah oo fadhigeedu yahay magaalada xeebeedda Misrata ee dalka Libya ayaa sheegatay inay qabsatay gegida dayuuradaha caalamiga ah ee Tripoli. Kooxda ayaa sheegtay in gegida ay ka qabsatay kooxda Zintan.

Afhayeen u hadlay maleeshiyada Misrata ayaa sheegay in garoonka ay qabsadeen Sabtidii, ka dib lix toddobaad oo ay dagaal kula jireen koox awood badan oo ka soo jeedda dhulka buuraleyda ah ee dhinaca galbeed ee dalka.

Haddii sheegashadan la xaqiijiyo waxay noqonaysaa guuldaro weyn oo ku timid kooxda wadaniga ah ee Zintan oo gegida gacanta ku haysay ilaa sanadkii 2011, markaas oo la riday hogaamiye Macammar Alqadaafi oo dalka Libya muddo dheer maamulayey.

Labo weerar oo dhinaca cirka ah ayaa habeen hore lagu qaaday goobaha ay kooxdu kaga sugantahay magaalo madaxda dalkaasi.

Weerarada ayaa dilay 10 ka mid ah dagaalyahaniinta, isla markaana dhaawacay tiro kale. Islaamiyiinta la weeraray ayaa dalalka Masar iyo Imaaraadka Carabta ku eedeeyey inay ka dambeeyeen weerarada dhinaca cirka ah.

Gegida dayuuradaha ee Tripoli ayaa burburtay ka dib toddobaadyo lagu dul dagaalamayey.

XS
SM
MD
LG