Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo Dishay Saraakiil Xamaas ah


Israel ayaa weerar dhinaca cirka ah ku dishay seddax ka tirsanaa madaxda sare ee Xamaas, Arrintan ayaa keentay maanta oo khamiis ah inay sii xoogeeystaan weeraradii cirka ee Israel ee Gaza iyo sawaariikhda ay Xamaas ku soo ridayaan Israe.

Ciidamada Israel ayaa sheegtay in ay duqeeyeen goobo lagu farsameeyo sawariikhda marinka Gaza, kadib markii dhowr sawaariikh ay ku soo dhaceen maanta oo Khamiis ah koonfurta Israel.

Israel ayaa sheegtay in 200 oo gentaal lagu soo tuuray Israel , iyado ciidamdeeda ay bartimameeysteen goobo boqol gaaraya oo lagu rakibo sawaariikhda marinka Gaza tan iyo intii ay burburtay xabad-joojintii ku meel gaarka ahayd.

Kooxda Hamas oo gacanta ku haya Gaza ayaa iclamiyay in sedax ka tirsanaa abaanduulayasheeda sare lagu dilay duqeeyn cirka ah xalay saqdii dhexe, iyadoo dhinaca kalena wasarada gaashaandhiga ee israel aay cadeeysay dilkaasi maanta..

Ra'iisulwassaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa shir jaraid ka sheegay kadib kulan u la yeeshay xalay wasiiradiisa dhinaca amniga in hawlagalka ka dhanka ah Gaza uu sii socon doono.

XS
SM
MD
LG