Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka: Waan Baareynaa Dilka Wariye Foley


Maamulka Madaxweyne Obama ayaa sheegay inuu isku dayayo sidii uu u xaqiijin lahaa dhab ahaanshaha muuqaal fidiyow oo muujinayay dilka wariye sawir qaade ah oo u dhashay Mareykanka oo ay kudha ka jarayaan mintidiinta dowladda Islamiga ah ee Ciraaq iyo Syria ee ISIS.

Kooxdan ayaa sii daayay muuqaalkan Fidiyow Talaadadii shalay, kaasoo ay ku muujinayeenqof ay ku sheegeen wariye James Foley madaxa laga gooynayo, iyagoo sheegay in dilkiisa ay fariin u tahay Mareykanka, oo ay uga digayaan inuu joojiyo faragelinta uu ku hayo Ciraaq.

Afhayeen u hadlay Aqalkca Cad ayaa sheegay in hadii muuqaalkaasi uu dhab yahay ay aad uga xunyihiin dilka waxashnimada ah ee loo geystay wariyehaasi Mareykanka ah ee aan waxba galabsan.

Wariyahan ayaa la waayay isagoo ka soo waramayay colaadda Syria bishii November sanadkii 2012kii.

Mintidiinta aysisi ayaa sidoo kale ku sheegtay Fidiyowga inay hayaan wariye kale oo u dhashay Mareykanka Steven Sotloff oo isna lagu waayay Syria bishii July sanadkii 2013ka, waxeyna ku goodiyeen in noloshiisa ay ku xirantahay talaabada xigta ee uu qaado Madaxweyne Obama.

XS
SM
MD
LG