Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Howlgalada Ammaanka Muqdisho


Ciidamada Dowladda
Ciidamada Dowladda

Raadiyeyaasha Shabeelle iyo Sky FM ee magaalada Muqdisho ayaa maalintii labaad hawada ka maqan ka dib markii ciidamada Nabad suggidda dowladda Somalia ay albaabada isugu dhufteen shalay.

Howlgalkaasi waxaa sidoo kale lagu xiray ku dhawaad 20 qof oo isugu jira wariyeyaal iyo shaqaale warbaahineed oo labadaasi idaacadood oo dhismo qura deggan ka howlgalayay.

Talaabada lagu xiray Raadiyeyaashan ayaa ka dambeysay ka dib markii ay baahiyeen warar la xiriira weerar ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Amisom ay shalay waaberigii ku qaadeen guriga gudoomiyihii hore ee degmada wada jir Axmed Xassan Cadow Axmed Daaci.

Hadaba warbixin la xiriirta howlgalada ay ciidamada dowladdu ka wadaan muqdisho iyo xarigga idaacadahan waxaa inoo diyaariyay halkanna ka soo jeedinaya wariyeheena Maxamed Colaad Xassan.

dhageyso warbixinta Amaanka Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:17 0:00

XS
SM
MD
LG