Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iska Horimaad ka Socda Magaalada Muqdisho


Somali soldiers patrol near the wreckage of a car bomb that was detonated at the main gate of the presidential palace in Mogadishu, July, 9, 2014.
Somali soldiers patrol near the wreckage of a car bomb that was detonated at the main gate of the presidential palace in Mogadishu, July, 9, 2014.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal kuu ka socdo degmada wadajir, kaasoo u dhaxeeya ciidamada dowladda Somalia iyo ilaalada Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xassan Cadow Axmed Daaci.

Goob joogayaasha ayaa ku soo waramaya in rasaas xoogan la isu adeegsanayo, dagaalkana uu bilowday goor hore oo aroortii saakay.

Weli lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka, hase yeeshee Axmed Daaci oo VOAdu ay la hadashay ayaa sheegay inay rasaas ku socotay gurigiisa qasaarana uu jiro, hase yeeshee uu dib ka soo sheegi doono faahfaahita.

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay weerarka ku hayaan gurigiisa.

Siyaasiga Cabdullahi Sheekh Xassan oo ka mid ah siyaasiyiinta Muqdisho ayuu Axmed Daaci sheegay inuu guriiga kula suganyahay laakiin isagu uu yahay bar tilmaaameedka 1aad ee weerarka.

Dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin weerarkan.

Maalmihii u dambeeyay ayaa ciidamada Nabad suggidda ee dowladda Somalia ay magaalada Muqdisho ka wadeen howlgallo ay hubka uga dhigayaan shaqsiyaad hubeysan.

XS
SM
MD
LG