Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xubnaha Golaha Amaanka oo Booqday Muqdisho


Wafdi ka socday Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho si ey u soo eegaan horumarka ay gaartay dowladda Somalia, una muujiyaan taageerada ay beesha caalamku u heyso dowladda.

Wafdigan oo ah kii ugu horeeyay ee ka socda 15ka xubnood ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo taga Somalia muddo 23 sanadood ka badan ayaa waxaa hogaaminayay Wakiilka Joogtada ah ee UK u qaabilsan Qaramada Midoobay, Danjire Mark Lyall-Grant iyo Danjire Usman Sarki, Danjiraha Nigeria ee Qaramada Midoobay.

Wafdigan ayaa la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Raiisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamanka, Prof: Maxamed Cusmaan Jawaawi, xubno sarsare oo ka tirsan Dowladda iyo Baarlamaanka Federaalka, hogaamiyeyaasha Maamulka Jubba ee Kumeelgaarka ah iyo Galmudug, Axmed Islaan Madoobe iyo Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid.

Waxaa sidoo kale ay wadahadal la yeesheen madaxda sare ee Xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) iyo Hawlgalka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo xubno ka socday bulshada rayidka.

XS
SM
MD
LG