Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faransiiska oo Hub u Diraya Ciraaq


Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay inay hub u direyso ciidamada Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq taas oo qeyb ka ah taageerada dagaalka ka dhanka ah maliishiyaadka Islamiga ee kooxda ISIS oo la wareegey goobo badan oo ku yaalla waqooyiga iyo galbeedka Ciraaq iyagoo iska caabbin aan sidaa u weyneyn kala kulama ciidammada Ciraaq.

Xafiiska Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa maanta sheegay in hubkaasi saacado gudohood lagu geyn doono iyadoo lala kaashanayo dowladda Ciraaq.

Madaxweynaha maamulka Kurdiyiinta Massoud Barzani ayaa horaantii toddobaadkan beesha caalamka weydiistey kaalmo si uu ula dagaalamo maliishiyaadkaasi Islaamiga ah , waxaana maalintii Talaadada Midowga Yurub uu ku guuldareytey inuu heshiis ka gaaro hub loo diro Kurdiyiinta, laakiin waxaa dalalka xubnaha ka ah loo fasaxay inay iskood go’aan uga qaadan karaan inay hub u diraan Ciraaq iyo in kale.

Mareykanka ayaa sidoo kale 130 la taliyeyaal milatari oo hor leh u direy waqooyiga Ciraaq si ay gacan uga geystaan qaabka ugu habboon ee kaalmo loogu fidin karo shacabka reer Ciraaq ee barakacay kuwaas oo ku xaniban buur ay ku hareereysan yihiin Muslimiinta Sunniga ee Xagjirka ah.

Dhanka kale raiisul wasaaraha weli xilka haya ee Ciraaq Nouri al-Maliki ayaa sheegay inaanu xilka ka degi doonin ilamaa maxkamadda sare ee dowladda federalka ay go’aan ka gaarto go’aanka Madaxweynaha uu ku magacaabey Haider Al Abadi inuu noqdo raiisul wasaaraha cusub.

XS
SM
MD
LG