Isku xirrada

War Deg-Deg ah

HRW: Al Sissi Baaritaan ha Lagu Sameeyo


Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in loo baahan yahay in baaritaan la xiriira ku tumasho xuquuqda aadanaha ah lagu sameeyo Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sissi, baaritaankaas oo la xiriira dilka boqolaal qof oo mudaaharaadyo ka dhigayey magaalada Qaahira sannadkii la soo dhaafey.

Warbixin maanta oo Talaado ah soo baxdey, ayaa hay’adda waxay ku xustey qodobo dhowr ah oo la xiriira baaritaan muddo sannad ah socdey oo ku saabsan hawlgaladii lagu ugaarsanayey dadkii banaanbaxyada dhigayey oo ka soo horjeedey ridistii madaxweynihii hore ee Masar Mohamed Morsi.

In ka badan 1,000 qof ayaa hawlgaladaasi lagu diley, waxaana hay’addu sheegtay in xaddiga dilalkaasi ay ahaayeen kheyrul caadi, isla markaana booliska iyo ciidamada amniga ay si hoose iyo si ula kac ahba u isticmaaleen awood xad dhaaf ah.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Mr. Sissi, oo xiligaasi ahaa taliyaha guud ee ciidamada loo baahan yahay in baaritaan lagu sameeyo isaga iyo wasiiirka arrimaha gudaha Mohamed Ibrahim iyo sarkaal la yiraahdo Medhat Menshawy, kaas oo hoggaaminayey ciidamadii fuliyey hawlgalka ay dadka badani ku dhinteen ee lagu kala eryayey dadkii mudaaharaadyada dhigayey.

XS
SM
MD
LG