Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xabbad Joojin Cusub oo Gaza ka Hirgashey


Israel iyo Xamaas ayaa bilaabey xabbad joojin 72 saacadood socon doonta, waxayna tallaabadan labada dhinac fursad u siineysaa inay yeeshaan wadahadal ay ku soo afjarayaan dagaalka muddada bisha ah socdey oo ay dad gaaraya 2,000 ku dhinteen.

Dowladda Masar ayaa garwadeen ka ahayd xabbad joojinta maanta dhaqangashey, waxayna labada dhinca ku martigelineysaa wadaxaajood ay ku yeeshaan magaalada Qaahira.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa soo dhoweeyey xabbad joojinta, waxaana uu rajo weyn ka muujiyey in Israel iyo Xamaas ay ugu dambeyntii heshiis ka gaari doonaan joojinta colaadda iyadoo loo daneynayo shacabka.

Waxaa kale oo uu sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay dhaqangelinta heshiis kasta oo nabad ka dhalan karta iyo weliba fursad lagu hirgeliyo dib u dhiska sida weyn looga baahan yahay Marinka Gaza.

Heshiis hore oo isna 72 saacadood socdey ayaa waqtigiisii dhamaadey maalintii Jimcaha iyadoon wax horumar ah laga gaarin dadaalada la doonayo in lagu dhaqangeliyo xabbad joojin buuxda

XS
SM
MD
LG