Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nigeria oo Dad Kale Laga Heley Ebola


Wasiirka Caafimaadka ee Nigeria Onyebuchi Chukwu
Wasiirka Caafimaadka ee Nigeria Onyebuchi Chukwu

Wasaaradda Caafimaadka ee Nigeria ayaa xaqiijisey in qof kale laga heley virus-ka Ebola, magaalada Lagos, taasina ay tirada guud ee dadka uu ku dhacay cudurkan guud ahaan Nigeria ka dhigeysa 10.

Nigeria, Liberia, Guinea iyo Sierra Leone ayaa in muddo ahba dadaal ugu jirey sidii ay u xakameyn lahaayeen virus-ka, laakiin kaabeyaasha caafimaadka iyo nadaafadda oo aad u liidata ayaa ah caqabadda ugu weyn ee hortaagan dadaaladaasi.

Maalintii Sabtida Guinea waxay ku dhawaaqdey inay xireyso xudduudaha ay la leedahay waddamada Liberia iyo Sierra Leone.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa faafitaanka cudurkan ku tilmaantey inay tahay xaalad caafimaad oo degdeg ah oo dunida ka dilaacdey.

Agaasimaha Guud ee WHO, Dr. Margaret Chan ayaa sheegtey in afarta dal ee cudurkan uu asiibey ee ku yaalla galbeedka Africa aysan awood u lahayd inay maareeyaan cudurka oo si xawli ah u fidaya, waxaana ay ku baaqdey in kaalmo caalami a

Virus-ka Ebola ee haatan ka dilaacay Galbeedka Africa ayaa u muuqda inay dad badan qaadi doonaan marka la barbardhigo intii jeer ee uu horey cudurka uga dilaacey dunida. Cudurkan ma lahan dawo iyo tallaal toona.

WHO ayaa toddobaadkii hore sheegtey in tirada guud ee dadka uu cudurkan ku asiibey afarta waddan ee Galbeedka Afrika ku yaalla ay gaareyso 1,779 iyadoo 961 ka mid ah ay u dhinteen.

XS
SM
MD
LG