Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkiga: Erdogan oo Guulaystay


Ra’isal wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku guulaystay doorashadii madaxweynanimada ee dalkaasi.

Doorashadan ayaa ahayd tii ugu horaysay ee taariikhada dalkaasi oo dadweynaha fursad u siisay inay toos u soo doortaan madaxweynaha dalka

Guddiga doorashooyinka ee dawlka Turkiga ayaa sheegay in la tiriyay qiyaastii dhammaan codadkii doorshada isla markaana ay natiijada hordhaca ah ay muujinayso inuu guulaystay Mr Erdogan.

Natiijadan ayaa muujinaysa in Erdogan uu si dhibyar uga guulaystay musharaxa ku soo xigay oo ahaa madaxii hore ee ururka iskaashiga ee dalalka islaamka Mr Ekmeleddin Ihsanoglu.

Erdogan ayaa noqon doona madaxweynaha cusub ee Turkiga shanta sano ee soo socota .

XS
SM
MD
LG