Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Biyaha oo Sumoobay Gobolka Ohio


Ku dhowaad nus milyan qof oo deggan magaalada Toledo ee ku taalla gobolka Ohio ee waqooyiga Mareykanka ayaa waxaa qasab ku noqotey inay ku tiirsanaadaan biyaha dhalada kaddib markii maadooyin sun ah laga dhex heley biyaha caadiga ee shacabku ay isticmaalaan.

Mas;uuliyiinta maamulka magaalada ayaa maalintii Sabtida soo saarey digniin kadib markii tijaabooyin lagu sameeyey mid ka mid ah warshadaha biyaha sifeeya laga heley sun xaddigeedu badan tahay oo magaceeda la yiraahdo microcystin, taas oo sababta matag, shuban iyo xanuuno dhinaca beerka ah.

Shacabka magaalada deggan ayaa lagu booriyey inaaney biyaha tubbada ee guryaha cabin, aaney wax ku karsan , isla markaana aaney siin xayawaanka ay dhaqdaan. Waxaa kale oo dadka difaaca jirkooda uu hooseeyo lagu wargeliyey inaaney biyahaas ku qubeysan.

Guddoomiyaha Gobolka Ohio, John Kasich ayaa ku dhawaaqey xaalad degdeg ah oo u baahan in wax laga qabto. Qaar ka mid ah ciidamada amniga ee gobolka ayaa gacan ka geysanaya inay shacabka u qeybiyaan biyaha nadiifka ah ee dhalooyinka ku jira, iyadoo dhanka kalena ay jiraan dad biyaha u raadsanaya masaafo dhan ilaa 100 km.

Duqa magaalada Toledo D. Michael Collins ayaa sheegay inay sugayaan jawaabaha baaritaano ay wadaan hay’adda fayodhowrka degaanka ee Mareykanka, yadoo jawaabahaasi ay kala caddeyn doonaan goorta dib loo nadiifin doono biyaha iyio goorta ay shacabku isticmaali karaan intaba.

XS
SM
MD
LG