Isku xirrada

War Deg-Deg ah

WHO: Khatarta Ebola Way Sii Ballaaraneysaa


Agaasimaha Guud Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa u sheegtay madaxweyneyaasha Galbeedka Afrika ee waddamadooda uu haleeley cudurka Ebola in faafitaanka xanuunkan uu si xawli leh ku socdo, uuna ka dheereynayo dadaalada la doonayo in lagu xakameeyo.

Dr. Margaret Chan, Agaasimaha Guud ee WHO ayaa sheegtay in haddii faafitaanka uu faraha ka sii baxo, natiijada ka dhalan kartaa ay noqon karto mid aad u daran sida in dhimasho badan laga dhaxlo, dhaqaalaha iyo nolosha bulshadan ay wiiqmaan.

Dr. Chan waxay ku sugan tahay magaalada Conakry, halkaas oo maanta ay kula kulantey madaxweyneyaasha Guinea, Sierra Leone, Liberia iyo Ivory Coast.

WHO iyo hoggaamiyayaasha Galbeedka Afrika ayaa ku guda jira hirgelinta qorshe ku kacaya 100 milyan oo dollar oo lagula dagaalamayo faafitaanka Ebola, cudurkaas oo ila ahaatan dilay dad gaaraya 730.

Dr. Chan waxay sheegtay in shaqaale caafimaad oo tiradooda ka badan tahay 60 ay ka mid yihiin dhibaneyaasha uu cudurkaan haleeley una dhintey, isla markaana ay jiraan shaqaale ka tirsan kuwa samafalka caalamiga oo iyaguna xanuunkan qaadey.

XS
SM
MD
LG