Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cabsi la Xiriirta Faafitaanka Ebola ee Africa


Ebola American Doctor
Ebola American Doctor

Hay’adaha caafimaadka ayaa isku dayaya inay aqoonsadaan cid kasta oo saarneyd dhowr duulimaad diyaaradeed oo isaga gooshay Galbeedka Afrika toddobaadkii hore, kuwaas oo si uun ula kulmey nin maalmo kadib u dhintey xanuunka Ebola.

Patrick Sawyer ayaa diyaarad ka soo raacey Liberia, waxaana uu habeen baryey dalka Ghana, isagoo kadibna diyaarad kale ka raacey Togo, taas oo ku sii jeedday Nigeria oo ah meesha uu maalintii Jimcaha ugu geeriyoodey xanuunka.

Sawyer ayaa isla markii uu soo gaarey Nigeria lagu xakameeyey goob u gaar ah, laakiin rakaabkii kale ayaa loo oggolaadey inay iska dhaqaaqaan markii lagu wargeliyey in ruux ka mid ah rakaabkii la socdey cudurka Ebola laga heley.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in Sawyer uu matagey, isla markaana uu shuban haleeley intii uu saarnaa diyaaradaha uu soo raacey midkood.

Laakiin khubarada caafimaadka waxay sheegayaan inaaney taasi ka dhigneyn khatar uu ninkaasi dadkii la soo safrey uu ku qaadsiiyo xanuunka. In la kala qaado virus-ka Ebola ayaa u baahan in qofku gaaro amaba uu taabto dheecaan ka yimaada jirka qofka qaba xanuunkan.

Waxaa mas’uuliyiinka caafimaadka ay is weydiinayaan sababta ninkan oo dhowaan walaashii ay xanuunka Ebola u dhimatey loogu oggolaaadey inuu waddankiisa ka soo dhoofo iyadoo la ogyahay in xanuunkan uu halkaasi ka dilaacey.

XS
SM
MD
LG