Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UN oo ku Baaqay Xabbad Joojin ka Hirgasha Qaza


Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Isniin ah ku baaqay xabbad joojin deg-deg ah oo bini'aadanimo laga hirgaliyo Marinka Qaza si gar-gaar loo gaarsiiyo dadka rayidka ah.

Golaha ayaa isku raacay war-saxaafeed laga soo saaray shir deg-deg ah oo xalay saqdii dhexe la qabtay, iyadoo muslimiinta adduunkuna ay maanta u dabaaldagayaan maalinta ciiddul-fitriga. Madaxweynaha Golaha amniga, Eugene-Richard ayaa war-saxaafadeedkaasi ku sheegay in goluhu uu si weyn uga welwelsan yahay xaaladda ka sii dareysa ee Qaza ee ka dhalatay colaadda, taasoo sababtay dhimashada dad rayid ah.

Goluhu wuxuu ku baaqay in si buuxda loo tixagaliyo sharciyada caalamiga ah oo ay ku jiraan ilaalinta dadka rayidka, wuxuuna ku celiyay baahida loo qabo in la qaado talaabooyin habboon oo lagu hubinayo bad-baadda iyo bad-qabka dadka rayidka ah. Go'aanka golaha ayaa yimid iyado heshiisyo hore oo xabbad-joojin ah ay guuldareysteen. Safiirka Falastiin ee Qaramada Midoobay, Riyad Mansour ayaa sheegay inuu rajeynayo in go'aanka Qaramada Midoobay uu horseedi doono xabbad-joojin wakhti dheer ah, laakiin wuxuu canbaareeyey in Golaha Amnigu aanu si xooggan u qaadan qaraaar looga soo horjeedo gardarada Israel.

Safiirka Israel ee QM Ron Prosor ayaa sheegay in Xamaas ay 2, 500 ku ridday Isral, wuxuuna ku celiyay in Israel haddii aan gantaalladan lagu weerari lahayn, aysan u baahnaan lahayn inay fuliso duqeynta cirka ah ee ay ka wado Qaza.

XS
SM
MD
LG