Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA oo Joojisay Shaqadii Safaaradeeda Libya


Dawladda Maraykanka ayaa joojisay shaqadii safaaradda Maraykanka ee caasimadda Libya ee Tripoli, waxaanay kala soo baxday diblomaasiyiintii dalkaasi ka joogay.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maryaknaka John Kerry ayaa shaaca ka qaaday in dawladda Maraykanku ay hakad galinayso shaqadii safaaradda sababo ay ugu wacan tahay dagaalada u dhexeeya maleeshiyaadka kala duwan ee ku dagaallamaya meel u dhow safaaradda.

Diblomaasiyiinta safaaradda Maraykanka ayaa loo gudbiyay dalka Tunisia iyadoo la sii mariyay dhinaca dhulka.

XS
SM
MD
LG