Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hollande: Cid Kama Badbaadin Air Algerie


Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa sheegay inaaney jirin dad ka badbaadey burburka diyaaraddii Shirkadda Air Algerie ee ku dhacdey Mali iyadoo siday 116 qof.

Unug ka tirsan milatariga Faransiiska ayaa loo direy goobta diyaaradda ay ku burburtey, waxaana dadkii saarnaa ka mid ahaa 51 ruux oo u dhashey Faransiiska kuwaas oo ka soo kicitimey Burkina Faso kuna sii jeeday Algeria maalintii Khamiista.

Madaxweyne Hollande ayaa sheegay in sanduuqa madow ee wax duuba ee diyaaradda ay lahayd la heley, isla markaana uu socdo baaritaan. Sababta burburka lama yaqaano, laakiin waxaa mas’uuliyiinta Faransiiska ay sheegayaan in hawada oo xumeyd ay ugu wacan tahay burburka diyaaradda.

In burburka uu sabab u ahaa fal argagixiso ayaan iyana weli la xaqiijin, maadaama dhulka ay ku soo dhacday ay ka hawlgalaan kooxo maliishiyaad ah.

Laakiin saraakiisha ayaa sheegaya inaaney diyaaraddu hawada ku qarxin, isla markaana burburkeeda uu ku baahay goob yar oo isku wareeg ah.

XS
SM
MD
LG